Seefta Tababare Zinadine Zidane Oo Qaadaysa Laba Xiddig Oo Real Madrid Ah

Sida laga helayo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga, Kooxda caasimada Spain ee Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay haatanba bilawday qorsheyaasheeda suuqa ee ay ku doonayso xiddiga baxsadka ka ah Tottenham ee Christian Eriksen.

Eriksen ayaa lagu xamanayay inuu ka dhaqaaqayo Tottenham kaddib markii uu diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa iyadoo sidoo kale ay isku dhacsan yihiin tababare Mauricio Pochettino oo kulamo badan keydka ku cabay.

Madrid ayaa kamida kooxaha doonaya saxeexa xiddiga ree Denmark oo haatan lagu heli karayo lacag lagu qiyaasay kaliya 25 Milyan iyadoo waliba Tottenham ay doonayso inay lacag ka samayso halkii uu qaab xor ah kaga bixi lahaa xagaaga dambe.

Si kastaba, Qorshaha Los Blancos ee ay ku doonayso Eriksen ayaa ah mid galaafanaya laba xiddig oo horeba kooxda ugu sugnaa kuwaas oo kala ah Isco iyo Mariano Diaz.

Isco ayaa isagu la boos ah Eriksen waxaana uu ugu dambayn ka bixi karaa Santiago Bernabeu oo uu sanado dheer kasoo ahaa mid aan marnaba kalsooni buuxda lagu siinin.