Dhageyso:-Maxay Somalia uga dhigan tahay Go’aanka Maxkamada ICJ?

Maxkamada Caalamiga ah ee Adduunka ee ICJ ayaamar kale dib u dhigtey dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhageysigan ayaa markii hore la qorsheeyey in ay dhacdo 4-ta bisha November. Si kastaba, maxkamadda ayaa dib u dhigtey dhageysiga illaa iyo bisha June ee 2020, markaasi oo la dhageysan doono 8 illaa 20-ka bishaas.

Waa markii labaad oo kiiska dib loo dhigo. Kiiska ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qaado bishii September ee tagtay.

Hadaba dib u dhigida dacwada Badda ee Maxkamada ICJ maxay uga dhigan tahay Soomaaliya,waxaana su’aashaas ka jawaabaya Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka.