Dad ku dhintay roobab ka da’ay Dowlad deegaanka Soomaalida

Roobkaan oo ahaa kan Deyrta ayaa waxaa ay ka da’een tuulooyin hoostaga degmooyinka Mustaxiil ee Khalaafe ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxaana uu sababtay inay dad u geeriyoodeen.

Deegaannada uu roobka sidaweyn uga da’ay ayaa waxaa kamid ah tuulada Duduma qaris,waxana roobkaas uu sababay dhimashada Hooyo iyo Cunug ay dhashay,halka dadka qaarkood ay barakaceen.

Xaaji Cabdi Caadil oo ah hoggaanka Nabadgelyada deegaanka Soomaalida ayaa sheegay ka sokow roobka uu sidoo kale wabiga ka fatahay degmada khalaafe,isla markaana uu sababay inay ku baaba’aan dhul beereed farabadan iyo xoolo ay lahaayeen qoysas ku nool degmadaas.

Waxaa uu sheegay in dhamaan deegaannada uu Roobka ka da’ay uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool,isla markaana Maamulka deegaanka ay wadaan qorsho ay dadkaasi ku caawinayaan.

Roobka deyrta ayaa markii uu ka da’o deegaano badan oo Soomaalida degan tahay waxaa muu saameyn ku yeeshaa dadka badi ku nool Magaalooyinka leh dhul beereedka oo ay beeraha baaba’aan.