Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa amara adag kasoo saaray qashinka lagu shubo goobaha aan munaasabka aheyn ee magaalada Muqdisho waxaa uu sidoo kale digniin u diray shirkadaha qashinka qaada ee aan ka diiwaan gashneyn dowlada hoose Xamar.
Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa xariga ka jaray xarun qashin oo looga tala galay in lagu maareeyo qashinka laga soo qaado degmooyinka gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale mamnuucay in qashin lagu shubo aaga degaanka Jazeera, waxaana uu sheegay Cidii lagu arko in tilaabo laga qaadi doono.



