Qaraxaan ayaa jugtiisa waxaa inta badan laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay meel u dhow kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid gaari loo adeegsaday laguna weeraray Kolanyo Ciidamo Talyaani ah oo marayay agagaarka Kulliyada Jaale Siyaad.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mid kamid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamada Talyaaniga lagu weeraray Gaariga qaraxa siday,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo ka dhashay.
Sidoo kale qaraxaasi ayaa la sheegay inay wax ku noqdeen dad Shacab ah oo qaarkood saarnaa Mooto Bajaaj iyo Gaadiid kale oo midka daweynaha ah,waxaana dhaawacyada dadka ku waxyeeloobay loo qaaday Isbitaallada Magalada muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadadaasi isticmaalayay,kuwaas oo wada howlo baaritaano ah.
1-dii October ee sanadkii 2018-kii ayaa sidaan oo kale loo qarxiyay Kolonyo Ciidamo Talyaani ah oo ka baxay Wasaaradda Gaashaandhigga xilli ay marayeen agagaarka Kulliyadda Jaalle Siyaad.



