DHAGEYSO: Madaxweyne Guuleed oo heshiiskii Jigjiga ku tilmaamay mid taariikhi ah

C/kariin Xuseen Guuleed madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay heshiiskii Jigjiga uu kula soo galaya dhigiisa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in heshiiskii lagu gaaray magaalada Jigjiga uu ahaa mid taariikhi ah, iyadoo dhowaan colaad ay ka jirtay xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dhinac ayaa ka heshiiyay sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen amaaanka iyo sidii loo damin lahaa colaadaha ka dhex taagan deegaanada Galgaduud ee xuduuda la leh Itoobiya.

Heshiiskan aya wada gaareen madaxweynaha maamulka Galmudug iyo dhigiisa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kaalin muuqata ka qaatey madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dhowaan ayay aheyd markii xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya uu dagaal ku dhex maray dad shacab ah iyo ciidamada Liyuu boolis.