Kooxda Manchester United Oo Badalka Antonio Valencia Ka Raadinaysa Kooxda Juventus

Man United ayaa raadinaysa daafac Midig kadib markii la xaqiijiyay in uu kabtanka kooxda ee Antonio Valencia si xor ah uga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

33 jirka ayuu heshiiskiisa Man United dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii ay United go,aansatay in ayna dhaqan galin heshiiskii 12-ka bilood ee dookha ahaa.

Kooxda Man United ayaa hadda isha ku haysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Juventus ee Joao Cancelo sida ay sheegayaan wararku.

Cancelo oo 24 jir ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu Juventus kaga soo biiray 35 milyan oo euro sanadkii hore.