Inter oo go’aan cad ka gaartay mustaqbalka Milan Skriniar

Kooxda kubadda cagta ee Inter Milan ayaa lagu soo warramayaa inay xiddiggeeda Milan Skriniar ku qancisay in uu heshiis cusub qalinka ugu duugo.

Taasi waxa ay ka dhigantahay in difaacan tayada wanaagsan iyo kooxda reer Italy ay iska diideen dalabaadkii kasoo gaarray kooxaha doonaya saxiixiisa oo ay ka mid yihiin Barcelona iyo Manchester United.

23-jirkan ayaa Nerazzurri kusoo biirray xagaagii 2017, waxaana uu ka mid noqday xiddigaha muhiimka u ah kooxda Luciano Spalletti.

Heshiiska cusub ee uu saxiixi doono waxa uu gaari doonaa illaa 2023, waxaana difaaca reer Slovakia uu ku qaadan doonaa heshiiskan cusub mushaar dhan €3m oo lagu dari doono gunnooyin xilli ciyaareedkii, mana lagu dari heshiiska qiimo lagu jebin karo qandaraaskiisa, sida ay ku warramayso Corriere dello Sport.

Wararka ka imaanaya Taliyaaniga, gaar ahaan Tuttosport ayaa werrineysa in Inter ay iska diidday heshiis is dhaafsi ah oo ay Barcelona ku damacsanayd in Skriniar ay dhaafsato Ivan Rakitic, balse ay Nerazzuri ku gacan seertay qorshahaas.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan cusub oo uu saxiixayo Skriniar ayaa caddeyn u ah in kooxda Inter aysan qorsheyneyn inay lumiyaan difaacan aadka u wanaagsan, isla markaasna ay ku tashanayaan mustaqbalka fog.