Ururka Al-Shabaab ayaa faahfaahin ka bixiyay sababtii ka dambeysay in ay weerar ku qaadaan Hoteelka Dusit D2 ee Magaalada Nairobi.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen in howlkaan ay ugu tala galeen dhibaatadda dowladdaha Israiil iyo Mareykanka ay ka waddaan Magaalada Qudus ee Falastiin.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaasi ay ka qeyb qaateen Ciidamo badan oo ka tirsan Shabaab,kuwaasoo muddo badan la diyaariyay.
Wuxuu sheegay in howlgalkan loogu magac daray Labeyka Yaa Qudus wuxuuna aargoosi u ahaa tallaabadii Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.
Rag hubaysan ayaa waxa ay Talaadadii weerrareen goob ku taalla degmada Westlands ee caasimadda Kenya, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 21 qof.
Ma cadda tirada dadkii weerrarka halkaas ku qaaday, hasayeeshee taliyaha booliska Kenya Joseph Boinnet waxa uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in “shan argagixiso” ay weerrarka ku lug lahaayeen.



