SAWIRO: Howlgal ka dhan ah Shabaab oo ka bilaabanaya Jubbaland

Degaanada ku teedsan gobolka Jubadda Dhexe ayaa la qorshaynayaa in ay ka dhacaan howlgalo ballaaran oo ay si wada jir ah ay u fulin doonaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,kuwa Midowga Afrika iyo ciidanka Jubbaland,si Al-Shabaab looga saaro degaanadaasi.

War ka soo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in uu howlgalkaasi uu qeyb ka yahay qorshaha la doonayo in Alshabaab looga xoreeyo guud ahaan dalka, Charles Tai Gituai oo ah taliye kuxigeenka howlgalada ciidamada AMISOM ayaa sheegay in qorshaha howglakan ay horey u meel mariyeen Midowga Afrika,taasi oo qeyb ka ah qorshaha AMISOM ay dalka kaga baxayso marka ay amniga ay ku wareejiyo ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

“Waxaanu la kulanay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan,waxaana ka wada hadalnay sidii loo hirgelin lahaa qorshaha howlgaladaasi oo 30, bishii Novermber ee sanadka ay Addis-Ababa ku ansixiyeen madaxda Midowga Afrika,sidoo kale waxaana kala hadalnay qaabka ugu haboon oo ay isaga kaashan karaan howlgaladaasi ciidamada AMISOM kuwa Xooga Dalka iyo Jubbaland”. Ayuu yiri Charles Tai Gituai.

Taliye kuxigeenka AMISOM Charles Tai Gituai  oo ay wehliyaan saraakiil ayaa tagay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose,waxaana la filayaa in booqasho taasi lamid ah ay ku tagaan magaaloooyinka Beledweyne,Jowhar iyo Baydhabo,iyagoo qiimeyn ku sameynayanayaan baahiyaha ciidanka.