Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in wali halkaasi ay ka socdaan rabshaddo looga soo horjeedo xarigii Musharax Mukhtaar Roobow Cali.
Xaafaddaha Magaalada Baydhabo ayaa wali kala xiran, waxaana jira goob ganacsi oo la gubay, ilaa iyo xalay ma jirin goob ganacsi oo la furay, waxaana Magaalada ka taagan cabsi weyn.
Dadka ayaa wali wadda Banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in la sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow oo shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Magaalada Baydhabo.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan oo ay waddaan Siyaasiyiinta kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasoo looga hadlaayo xaaladda Magaalada Baydhabo.


