Safiirka ufadhiya dalka Talyaaniga dowladda Soomaaliya Muuse Xasan Cabdulle ayaa sheegay in ay jiraan Soomaali badan oo ku xir xiran dalka Talyaaniga.
Waxaana uu tilmaamay in dowladda Talyaaniga ay kala hadleen sidii loo sii deyn lahaa muwaadiniinta ku xiran dalkooda.
Safiirka ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyaro badan oo ku xiran Talyaaniga kuwaas oo ay soo qabteen ciidamada dalka Talyaaniga, waxaana lagu eedeeyay in si sharci daro ah ay ku soo galeen dalka.
Waxaana uu sheegay in ay wadaan dadaalo fara badan oo ku aadan sidii loo sii deyn lahaa dhalinyarada ku xir xiran Talyaaniga, iyadoo uu tilmaamay in ay kala hadleen dowladda Talyaaniga.
Waxaa la rumeysan yahay in ay jiraan dhalinyaro Soomaali oo ku xir xiran dalka Talyaaniga, waxaa safaarada Soomaaliye ee dalka Talyaaniga ay shaacisay in ay kala hadleen dowladda Talyaaniga.


