Madaxda DFS oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho

Masuulyiinta ugu saraysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay qaraxyo Shabaab ay ka kala geysteen maanta Gaalkacyo iyo Muqdisho waxa ayna sheegeen in ay ka xunyihiin.

War qoraal ah oo lagu shaaciyay Wakaalada wararka Qaranka ee SONNA oo lagu sheegay in madaxda dalka ay ka tacsiyeenayaan dadkii ku naf waayay qaraxyadaasi ayaa u qornaa sidatan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed oo ay Al-Shabaab ku dileen qaraxyo ay ka geysteen Gaalkacyo iyo Muqdisho.

Tacsi taas la mid ah waxaa diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.

Qaraxyo ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho ayay shabaab ku dileen ku dhowaad 20 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween”.