SAWIRO: Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka iyo Bankiga aduunka oo kulan yeeshay

Guddiga Maaliyadda iyo Bankiga aduunka ayaa ka wada hadlay hormarinta dhaqaalaha dalka iyo ka faa’iideysiga fursadaha banaan.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank).

Guddiga iyo World Bank ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Xubnihii ka socday World Bank ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsaneyd fursadaha dhaqaale ee aduunka ka jira iyo sida Soomaaliya loogu faa’iideyn karo.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen barnaamijyada la xiriira hormarinta dhaqaalaha oo ay ka wadaan Soomaaliya, isbadalada dhaqaalaha ee sanadihii la soo dhaafay iyo fursadaha hada banaan.

” Soomaaliya waxa ay ku socotaa wado wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah, waxa soo jeedineynaa hadaan nahay World Bank in laga faa’iideysto fursadaha banaan oo wax badan oo dadaal ah la sameeyo, anaguna mar walbo wa idiin garab taaganahay”. ayuu yiri Hugh Riddell oo ka socday Bankiga aduunka.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa dhankooda la wadaagay shaqooyinka ay qabteen iyo howlaha uu guddigooda u xil saaran yahay.

Sidoo kale waxa ay la wadaageen waxyaabaha uu golaha shacabka u baahan yahay.