DHAGEYSO: Galmudug oo beenisay jiritaanka Khilaafka Shaakir iyo Xaaf

Xilli maalmihii lasoo dhaafay uu soo baxayay Warar sheegaya in uu Khilaaf soo gala dhex galay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa beeniyay in uu jiro Khilaaf, waxaana uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka ay baahiyeen Warbaahinta Qaar.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu yahay Hoggaamiyaha Galmudug,islamarkaana go’aamadda uu soo saaro ay qaadan doonaan,islamarkaana ay ka dambeyn doonaan.

Sheekh Maxamed Shaakir ma soo hadal qaadin warqad dhawaan kasoo baxay Xafiiskii oo lagu taageerayay dowladda dhexe ee Soomaaliya.