Muqdisho-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, ciidan saarnaa gaari Cabdi Bile ah ayaa caawa rasaas ku furay gaari Caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in gaarigan si gaar ah loogu rasaaseeyay inta u dhaxeysa aagga Soos iyo Waxar-cadde.
Waxaa la sheegay gaariga la rasaaseeyay inuu ka mid ahaa gawaari Aroos galbineysay, Hal qof ayaa ku geeriyooday, halka ay ku dhaawacmeen Lix kale.
Dadkii ku dhaawacmay falkan oo u badnaa haween ayaa waxaa la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqsisho, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.
Sawirro laga soo qaaday gaariga la rasaaseeyay ayaa muujinaya in dhawr xabadood ay ku taallo gaariga, islamarkaana uu halkaasi ku qabtay dhiigga dadka ku waxyeeloobay rasaasta.
Ilaa hadda maamulka degmada Hilliwaa iyo taliska ciidanka booliska kama aanay hadlin dhacdadan, balse waxaa socda baaritaano la xiriira falkan.




