Xaalada dalka Cameroon oo cakiran

Madaxweynaha Cammeron Paul Biya wuxuu xilka madaxweynanimada uu soo hayay 35 sano balse wuxuu markale uu doonayaa inuu 7 sano oo kale uu dalka madaxweyne uu ka noqdo isaga oo doorashada ay maanta cod bixinteeda billaabatay ka qayb galayo.

Paul Melly oo ay madaxweynaha aad isugu dhow yihiin oo arrintan ka warramayo ayaa wuxuu sheegayaa in madaxweyne Paul biya sida uu kursiga isugu dhajinayo ay cambaareyn caalami ah ka dhalatay, arrinta la yaabka leh ee ugu dambeysayna ay tahay muddo laba sana ah kaddib inuu marki ugu horreysay uu qabtay shirka golaha wasiirrada ay isugu yimaaddaan muddada intaa le’eg.

Paul Biya oo laga billaabo 1982-kii xilka soo hayey ayaa wuxuu noqonayaa madaxweynihi wakhtiga ugu dheeraa xilka soo hayey ee qaaraddan Africa.

Afrika oo bariyahan dambe ay ka socdaan isbeddello siyaasadeed oo xawli ah gaar ahaanna waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika oo madaxdi waaweyneyd oo mudddada dheer dalal badan ka soo talineysay qaarkooda ay xilka ka degaan balse weli sida madaxweyne Biya oo kale waxaa jira kuwa kursiga ku sii dhaggan.

Shacabka Cameroon oo 60% ay da’doodu ka hooseyso 25 jir maba aysan dhalan xilliga uu Biya uu talada dalka gacanta ku soo dhagayey, iyada oo dalkaasina ay ka jirto shaqa la’aan ba’an iyo xaalad noolaleed oo aad u adag.

Madaxweyne Paul wuxuu wakhtiya badan uu ku soo qaataa dibadaha gaar ahaana huteellada waaweyn ee ku yaalla Geneva taasoo si weyn looga dhaleeceeyo.

Inkasta oo ay taageerayaashiisu eeddaasi ku shegeen mid siyaasadeysan oo ololaha doorashada looga faa’ideysanayo balse xaqiiqda ka fog.

Madaxweyne Paul Biya oo ka soo jeeda qaybta Af-faransiiska lagaga hadlo uu Ingiriiska guumeysan jiray ayaa waxaa lagu dhaleeceyaa inuu awoodaha ugu badan uu u dhiibay gobolka isaga uu ka soo jeedo halka uu talada dalka uu ka ilaaliyo gobolka Af-Ingiriisiga lagaga hadlo oo uu ka soo jeeday madaxweynihi hore oo uu talada kala wareegay Ahmadou Ahidjo.