Baydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kadib markii magaalada Kismaayo uga qeyb galay shirka dowlad goboleedyada dalka oo shalay halkaasi lagu soo gaba gabeeyay.
Shariif Xasan ayaa sheegay dowladda federaalka inay ka sugayeen inay Al Shabaab la dagaalanto, ciidamo wadooyinka furana ay keento, hadii intaas ay sameyn weydana ay aheyd inay taageerto ciidanka dowlad goboleedyada, balse labadaas arrimoodba ay ka waayeen.
Wuxuu sheegay in dowladda federaalka uusan dhab ka aheyn federaalka, sidaasi darteed shacabka Koonfur Galbeed ayuu ka dalbaday inay difaacdaan federaalka, maadaama uu tilmaamay inuu socdo qorshe lagu burburinayo.
Shariif Xasan ayaa sheegay warqada ka soo baxday wasaaradda maaliyadda ee ku aadaneyd xisaab celinta inay kaga jawaabayaan Facebook, maadaama markii horeba uu sheegay inay Facebook un ka arkeen.
“Shirkii Kismaayo qof walba wuxuu ka hadlay dareenkiisa, waxaa laga badin waayay markii la is wareystay inaan soo saarnay war-murtiyeedkii shalay aad aragteen, amni darada dalka ka jirta ayaan aad uga hadalnay, dowladda waxaan ka sugeynay inay Shabaab la dagaalanto, jidadkana furto, balse weli arrimahaas waxba kama qaban”. Ayuu yiri Shariif Xasan.
Shirkii shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo ayaa maamul goboleedyada qodobadii ay soo saareen waxaa ka mid ahaa inay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda federaalka, ilaa laga xaliyo tabashooyinka ay qabaan.



