Mareykanka wuxuu sheegay inuu joojiyay in ka badan 200 milyan oo doolar oo deeq ahaan uu u siin jiray Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed iyo Marinka Qaza.
Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in go’aanka ay ku joojiyeen deeqdii ay siinayeen shacabka Falastiin ay ka timid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuuna sidoo kale sheegay in lacgtaani loo weeciyay fulinta mashaarciyo meelo kale.
Sarkaal Falasttiini ah ayaa ku tilmaamay go’aanka Mareykanka taallaabo xun oo ay mas’uuliyad darro ku dheehantahay.
Hoggaanka Falastiiniyiinta ayaa qaadacay dadaaladda nabadda ah ee uu wado Mareykanka tan iyo intii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u aqoonsaday magaalada Quddus caasimadda Israa’iil.
Xukkumada Washington ayaa dhankeeda waxay joojisay kaalmadii ay u fidin jirtay Falastiniyiinta iyado weli ay socoto dib u eegista lagu sameynayo xeerka lacagahaasi ay ku bixiso dowladda Maraykanka ee loo yaqaano Taylor Force Act.
Maamulka falastiniyiinta iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan gargaarka Falastiniyiinta ayaa ka digay in deeqdaasi la jaro sababtoo ah waxay adkeynaysa noolosha shacabka Qaza.



