J/Hoose-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose, ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA qeybta Jubbaland ayaa maanta ku guuleystay inay soo saaraan miino lagu aasay inta u dhaxeysa degaanada Wirkooy iyo Buulo-gaduud.
Miinadan oo lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa waxaa soo saaray ciidankan oo hawlgal amni xaqiijin ah ka waday aaggaasi, waxaana Miinadan ay aheyd mid tankeeda uu culus yahay.
Miinada oo aheyd nooca waa weyn ee waxyeelada xun sababta ayaa iyada oo aan qarxin lagu guuleystay in la fur furo, kadibna ciidanka ay soo saaraan.
Hawlgalkan guuleystay kadib ayaa sarkaal ka tirsan Ciidamada NISA qaybta Jubbaland wuxuu sheegay ciidamada oo kaashanaya qalabka miino baarista ee ay haystaan inay ugu suuragashay soo saarista miinadan tankeeda uu culus yahay.
“Ciidamada waxay ku guuleysteen inay soo saaraan Miinadan oo tankeeda uu culus yahay, iyaga oo kaashanaya qalabka miino baarista ee ay haystaan, nimankii cadowga ahaa ayaa halkan ku aasay Miinada oo ujeedadooda ay aheyd inay ku waxyeeleeyaan ciidanka balse ay u suurageli wayday.” Ayuu yiri Sarkaalka ka tirsan NISA.
Wadadan xiriirisa degaanada Wirkooy iyo Buulo-gaduud ayaa inta badan waxaa isticmaala ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland, dhawr mar oo hore ayaa waxaa lagula eegtay qaraxyo Miino.



