11 Ruux oo ku dhimatay roobab xooggan

Ilaa 11 qof ayaa dhintay roobab culus oo ku dhuftay  gobollada Koonfurta Hindiya ku yaalla 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta goboladaasi.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Xinhua, dhimashada ayaa ka dhacday degmooyinka Kozhikkode, Malappuram iyo Kollam.

“11 qof ayaa ku dhintay roobabkii mihiigaanka ahaa, ee Kollam, Kozhikkode iyo Malappuram,” sidaa waxaa yiri sarkaal maareynta musiibooyinka ka tirsan ee Hindiya.

Marka laga reebo saddexdaan gobol, shan degmo oo kale ayaa sidoo kale jira in roobabkan culus ay ku dhufteen, halkaas oo sababtay in dugsiyada qaar la xiro.

Telefishinada maxalliga ah ayaa sheegay in roobabkaan ay saameyn ku yeesheen jidadka tareennada iyo waddooyinka gawaarida.

Waaxda cimilada ee Hindiya ayaa ka digtay cimilo khatar ah 48-da saacadood ee soo socda.