Muqdisho-RisaalaFM- Dadkii laga burburiyay dhul ku yaalla xaafada Carafaad ee degmada Yaaqshiid ayaa maanta soo bandhigay sharciyo ay ku cadeynaya lahaanshaha dhulkaasi.
Ganacsato, Odayaal iyo waxgarad kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu si qalad ah oo aan sharci ahayn ugu guuriyay uguna burburiyay dhulkaasi oo ay sheegeen in hanta badan ay kaga luntay.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in dhulkaasi ay u heystaan sharciyo sidoo kalena lagu dhisay sida ay sheegeen warqado sharci ah oo ka soo kala baxday dowladda hoose ee xamar iyo Wasaarada Maaliyada.
Dr. Sheekh Aweys Cali Siyaad ayaa warbaahinta u aqriyay war saxaafadeedka ay soo saareen, sidoo kalena warbaahinta u soo bandhigay warqadaha ay heystaan.
Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada kulanka goobjooga ka ahaa waxa ayna madaxda dowladda ugu baaqeen in cabashadooda wax laga qabto.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in maamulka gobolka Banaadir la horgeeyay sharciyada ay u heystaan dhulkaasi laga burburiyay.





