Madaxweynaha maamulk Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wadti ballaaran oo uu hoggaaminayey oo maanta ka soo amba baxay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.
Wadtiga Madaxweynaha oo ay kamid ahaayeen Wasiirro, Xidhibaano iyo saraakiil sare oo ka tirsan Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.



