Mareykanka oo dalalka Bariga Afrika kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga Afrika waxa ay kala hadashay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wafdiga ka socda dowladda Mareykanka ayaa booqasho waxa ay ku marayaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea, waxaana Madaxda dalkaasi ay kala hadleen sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka Al-Shabaab.

Wafddigaan waxaa hoggaaminaya kaaliyaha danjire ku xigeenka Mareykanka ee Afrika Donald Y. Yamamoto, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka dowladda Mareykanka ee Bariga Afrika.

Donald Y. Yamamoto ayaa warbaahinta u sheegay ciidamada mareykanka ee ku sugan dalka Jabuuti ay xoojin doonaan dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda Mareykanka ay guulo waa weyn kasoo hoysay dagaalka Al-Shabaab sanadyadii ugu dambeyay, islamarkaana ay hadda kaashan doonaan dalalka Bariga.