Wasiirka Amniga “Isbedel ayaan ku sameynay qorshaha amniga Caasimadda”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in isbedel lagu sameeyay qorshaha amniga guud Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa waxa uu sheegay isbedelka la sameeyay inuu yahay in la furay wadooyinkii xirnaa qaar ee caasimadda, Ciidanka Xasilintana ay hada ku sugan yihiin wadada Warshadaha ee Magaalada.

Ciidanka ammaanka ayuu faray in shacabka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay u adeegaan shacabka, taas bedelkeeda ayuu shacaba ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka ammaanka.

“Jidadkii xirnaa sida jidka Wadnaha waan furnay, ilaa jidka Warshadaha ayaan geynay, waan sikinay, shacabka waxaan uga mahadcelinaa dulqaadka ay inoo muujiyeen, shacabka waxaan ka dalbanayaa in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, sidoo kale Ciidamada waxaan farayaa in ay u dhimriyaan shacabka.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa 10-kii bishan xiray waddooyinka Xaafadaha wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho, Isgoysyada ayaa furan iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidamada Xasilinta oo ku baaraya Gawaarida, balse waxaa xiran dhamaan Jidcadyaasha mara Xaafadaha dhexdooda oo dhagxaan waa weyn lagu gooyay.