Shabaab oo sheegtay masuuliyadda Qarax lagu dilay iyo Wasiir iyo Xildhibaan

Muqdisho-RisaalaFM- Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Qarax lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir C/raxmaan Cali (Baraf) iyo Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne) oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhanka Muqdisho, inta ay wadada ku soo jireen ayay qabsatay Miino dhulka lagu aasay gaarigii uu watay Wasiiru Dowlaha, isla goobta ayayna ku geeryoodeen Wasiirka iyo xildhibaanka.

Waxay sheegeen Shabaabka masuuliyiinta ay beegsadeen in ay soo abaabuleen weerar bilo ka hor ka dhacay degaanka Jameeco Jilyaale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaasi oo Shabaabka ay sheegeen in Ciidamo Mareykan ah ay ku xasuuqeen Caruur wax ka baraneysay Machad Islaami ah.

Warka Shabaab ka soo baxay ayaa sidan u qornaa “Mujaahidiinta ayaa maanta gelinkii dambe qarax ku dilay saraakiil ka tirsan Garoonka Balidoogle kuwaas oo abaabulay weerarkii lagu qaaday degaanka Jamaaco Jilyaale.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Shabaab.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Saraakiisha Ammaanka Koonfur Galbeed ay shir deg deg ah ka yeelan doonaan falkan dhacay, jawaabna ay ka bixin doonaan.