Madexweynaha Maamulka puntland Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa difaacay qaadashada 4.5 xili shacabka puntland wali ay diidan yihiin qaadashada nidaamka 4.5.
Madexweynaha maamulka puntland cabdiweli Maxamed Gaas ayaa digiin u diray Siyaasiinta puntland oo sheegay inay kicinayaan shacabka reer puntland.
Madexweyne gaas ayaa hoosta ka xariiqay in kuwaas laga qaado tilaabo sharciga waafaqsan maadam uu sheegay inay si qaldan turjumayaan nidaamka 4.5
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu tilmaamay in ay xil ka saaran tahay geeddi socodka nabadda iyo horumarka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin ku haboon sidii guud ahaan shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa horumar , loogana saari lahaa caqabadaha hor taagan dib u dhiska dalka dhan kastaba.
Madexweynaha Gaas ayaa sharaxay sababta ay puntland ay u aqbashay 4.5 waxuuna sheegay in aysan suurgal ahayn in puntland ay ka harto Soomaalida inteeda kale sidaas darteedna ay qasab ku noqotay in uu aqbalo 4.5.
Siyaasiinta puntland ayaa si weyn ugu horjeestay inay puntland ay qaadashada 4.5.


