
Manchester United ayaa ku adkeysaneysa weli in ay dooneyso saxiixa xiddiga kooxda Juventus Paulo Dybala.
Rai Sport ayaa sheegaya in ciyaaryahanka la rumeysan yahay inuu ku jiro liiska ciyaartoy uu doonayo tababare Jose Mourinho.
Macalinka reer Portugal ayaa diyaar u ah inuu shaxdiisa weerarka ku xoojiyo Paulo Dybala oo aan ku faraxsaneyn nolosha Tourin.
Waxaa jira xiisad u dhaxeysa Dybala iyo kooxda Serie ka dhisan, iyadoo xitaa dhowr jeer kursiga keydka la dhigay xili ciyaareedkaan.
Xiddiga reer Argentine ayaa sidookale laga yaabaa inuu doorto ku birista Paris Saint-Germain oo lacago waali ah ku baadi goobeysa.
Kooxda Faransiiska ka ciyaarta ayaa raadineysa weeraryahan cusub oo bedel u noqda Neymar oo laga cabsi qabo inuu ka dhaqaaqo Paris.


