Waaxda Arrimaha Qaxootiga (DRA) ayaa sheegay in ilaa iyo 10,000 oo qaxooti Soomaali ah in ay u baahan yihiin in lagu caawiyo sidii ay guryahooda loogu soo celi lahaa Halka 50,000 oo kale ayaa iskood ugu laabtay soomaaliya iyaga oo aan helin Wax kaalmo ah.
Bishii February 2016, Kenya ayaa bilowday wajigii labaad dib celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.
UNHCR ayaa sheegtay qorsheyneyso in dib loogu celiyo 50,000 oo Soomaali ah sannadkan. “Waxaan isku dayayaa in uu qorsheeyo macquul ahanshaha 50,000 oo qof oo laabta inta lagu gudajiro 2016,” Raouf Mazou, wakiilka UNHCR ee Kenya, ayaa u sheegay Reuters.
Bishii December 2015, UNHCR ayaa sheegtay si ikhtiyaari ah ay dib Ugu laabteen Soomaaliya in kabadan 6,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah..
Soomaali badan oo kunool Xerada Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya ayaa kusoo laabtay Degmooyin badan oo ku yaala Soomaaliya sida ay sheegtay hay’adda UNHCR , Waxayna intaas ku dartay hay’addu in loo baahan yahay in la kaalmeeyo dadka doonaya inay ku laabtaan Soomaaliya.
December 2014 “Guud ahaan 5,853 oo qaxooti Soomaali ah guriga ku soo laabtay tan iyo bishii December 8, 2014, markii ay UNHCR bilowday taageerada iskaa wax u qabso soo celinta qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya, “hay’addaha Qaramada Midoobayaa sidaas ku sheegay warbxin Tobaadle ah oo ay Soo saareen.


