DHAGEYSO: Faroole oo ka hadlay xiisada Tukaraq

Garowe-RisaalaFM- Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ka hadlay xiisada sii xoogeysatay ee u dhaxeysa labada maamul eek ala ah Puntland iyo Somaliland.

Wuxuu sheegay wax laga xumaado ay tahay hanaanka ay u wajaheen masuuliyiinta xilligan ka arrimisa Puntland iyo Somaliland xiisada ka taagan Gobolka Sool.

Faroole ayaa Madaxweynaha maamulka Puntland ku eedeeyay qaabka uu uga hadlay Dagaalka Tukaraq oo sheegay in Gaas uu sameeyay kicin bulsho, sidoo kalena hurinayo in dagaal kale uu dhaco.

Sidoo kale Senator Faroole ayaa sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax inuu ku hadlay hadal xanaf leh, wuxuuna tilmaamay in sidaasi aysan wax wanaagsan.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ku baaqay in si deg deg ah looga wada hadlo xiisada ka taagan Gobolka Sool, loona turo shacabka labada dhinac.

Degaanka Tukaraq oo maalmoi kahor uu ka dhacay Dagaal khasaare geystay, hadana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Somaliland ayaa waxaa deganao ka tirsan Puntland ka soconaya abaabul u muuqda mid dagaal looga jawaabayo wixii dhacay.