Kooxda Faransiiska ka dhisan ee Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay 25 milyan oo ginni bisha Jannaayo kula soo wareegto xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal Alexis Sanchez, iyadoo isha ku heysa inay saxiixiisa uga adkaato Manchester City.
Isbuucii lasoo dhaafay wakiilka weeraryahanka reer Chile ayaa ku sugnaa caasimadda Paris, kooxda PSG ayaana isha ku heysa inay si dhaqsi ah ula soo saxiixato Alexis Sanchez bisha Jannaayo, iyadoo qandaraaska xiddigaan uu kula jiro Arsenal uu dhacayo xagaaga soo aadan.
Hogaamiyeyaasha horyaalka England Premier League ee Manchester City ayaa ku guuldarreystay dalab 60 milyan oo ginni ah oo ay bishii August ka gudbisay Sanchez. Sidoo kale waxay ka mid tahay kooxaha doonaya inay qiimaha jaban kula wareegaan bisha Jannaayo, balse PSG ayey haatan tartan kala kulmeysaa.
Majaladda Daily Express Sport ayaa sheegeysa inuu tababaraha Arsenal Arsene Wenger diyaar u yahay inuu iibiyo bisha Jannaayo midkood Sanchez ama Mesut Ozil iyadoo labadaan xiddigba ay diidan yihiin inay qandaraas cusub kooxda u saxiixaan.
Balse Gunners haddii ay iibineyso Sanchez waxay doorbidi laheyd inay ka iibiso koox ka dhisan dibadda England, waxaana laga yaabaa inay bisha Jannaayo aqbasho dalabka PSG ee 25ka milyan oo ginni ah.
PSG ayaa qudheedu dooneysa inay iska iibiso weeraryahanka reer Uruguay Edison Cavani bisha Jannaayo si uu wadada ugu banneeyo Sanchez.


