Dagaal ka socda Duleedka Balcad

Wararka naga soo gaaraya Wadada U dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu dagaal ku qabsaday ciidamo ka tirsan dowladda.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay jidka galeen ciidamada dowladda, waxaana dagaal uu ka socda duleedka degmada Balcad.

Sida ay Risaala u xaqiijiyay dadka degaanka dagaalka ayaa ah mid xooggan.

Waxaa la sheegaya in uu jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net