DHAGEYSO: Dadka Qaba Cudurka Aids-ka oo kordhay degaanada Puntland

C/qaadir Maxamed Axmed Agaasimaha la dagaalanka Aids-ka Puntland ayaa sheegay in ay kordheen dadka qaba cudurka Aids-ka degaanada maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay ay sii kordhaayeen dadka qaba cudurkaasi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay suurtagal tahay in ay jiraan dad qaba cudurkaasi oo aan wali tagin goobaha Caafimaadka.

Agaasimaha ayaa xusay in sanadkaan oo kaliya cudurkaasi laga helay dadka gaaraya 320 qof.

Waxaa uu sheegay in sanadba sanadka ka dambeeya uu cudurkaasi kusii kordhaayo degaanada maamulka Puntland.