850 qof oo Soomaali ah ayaa Saaka kasoo ambabaxay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ,kuwaasoo dib ugu soo laabtay Soomaaliya sida ay shaaciyeen Hay’adaha qaabilsan dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed.
Madaxa Dib u celinta Soomaalida ee UNHCR u qaabilsan Xeryaha Qaxootiga Collins Guedje ayaa sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwo iskood dib ugu soo laabtay Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee kunool Dhadhaab badankood ay doonayaan in ay dib ugu noqdaan dalkooda.
Mr Collins Guedje ayaa carabka ku dhuftay in Sanadkaan 2017-ka la filayo in 79,000 oo Soomaali ah in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.
Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya Gaar ahaan Xeryaha Dhadhaab ayaa dhibaatooyin kala duwan kala kulma dowladda Kenya.
Dowladda Kenya ayaa Sanadkii hore sheegtay in ay xirayso xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab,waxaana arintaasi Cambaareeyay Hay’addo Caalami ah.
Dowladda Kenya ayaa todobaadkaan daaha ka rogtay in ay bandow kusoo rogtay Xeryaha , waxaana muuqda in Cadaadiska saaran Qaxootiga Soomaaliyeed uu kordhay.


