Ciidamada daacada u ah kooxda Daacish ayaa dab qabadsiiyeen 60 guri oo la degan yahay degmada Kot ee gobolka Nangarhar ee bariga Afghanistan sida uu afhayeenka maamulka gobolka Attaullah Khogiani uu u sheegay Warbaahinta.
” Kooxda Daacish ayaa habeenimadii Jimcaha aheyd waxa ay dab qabadsiisay 60 guri oo ay degaanayeen dad shacab ah oo ku yaalla degmada Kot aad ayaan uga naxnay arintaasi” sidaas ayuu yiri Attaullah Khogiani.
Sidoo kale Afhayeenka gobolka ayaa sheegay in dadka degaanka ay iskaga baxeen guryahooda ka hor inta aysan kooxdaasi weerar kusoo qaadin.
Laakiin waxaa uu sheegay in aysan xaqiijin karin khasaare nafeed iyo Mid hantiyadeed oo ka dashay weerarka ay Kooxda Daacish ay ku gubtay Guryahaasi.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Kooxda Daacish oo ku aadan dhacdadaan lagu eedeeyay.
Labadii Sano ee lasoo dhaafay ayaa ciidamo taageersan Kooxda Daacish waxa ay ka howlgalayeen gobolka Nangarha gaar ahaan Jalalabad


