Loic Remy ayaa heshiis la gaaray kooxda Besiktas ee ka dhisan dalka Turky, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya England.
Remy, oo 30 jir ah, ayaa u saxiixay Blues markii £ 10.5million ay kaga soo qaateen kooxda Queens Park Rangers sannadkii 2014, lakiin waxa uu ku guuldareystay in uu isku muujiyo Stamford Bridge.
Xiddiga reer France ayaa 12-kii bilood ee ugu dambeyay qandaraaskiisa Chelsea kujira, iyadoo Antonio Conte uu aqbalay qorshaha uu ku baxayo.
Wargeyska Turkish ee Vatan ayaa sheegay in kooxda Besiktas qandaraas afar sanno ah ay la meel dhigtay weeraryahanka.
Waxaa la sheegay in uu saxiixi doono heshiis saddex sano marka hore, iyadoo xulashada qandaraas hal sano oo dheeraad ah uu leeyahay.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in lacag £ 1.8m ay bixin doonto kooxda heysata horyaalka Turkish.


