Hay’adda Nabad Suggida iyo sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in ay gacanta kusoo dhigtay 3 Ruux oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen dilalkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Hay’adda Nabad Suggida ayaa sidoo kale sheegtay in Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ay kasoo qabteen Gaari ay wateen Kooxihii dilalka Geystay.
Sidoo kale Nabad Suggida ayaa sheegtay in ay wadaan baaritaano lagu xaqiijiyo ammaanka Muqdisho.
Maanta ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Afhayeenkii Hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb.
Waxaa sidoo kale lagu dhawaacay taliye ku xigeenkii Hore ee Hay’adda Nabad Suggida Xasan Dheere.


