Daawo: 27-Sano ka dib diyaarad kasoo degtay Muqdisho Xilli Habeen ah

27-Sano ka dib markii ugu horreysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Xilli Habeen ah , waxaa kasoo degtay diyaarad siday dad Shacab ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya , Sida Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa jooggay Garoonka Xilliga ay soo deganaysay diyaaraddaasi.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa dhawaan lagu xiray nalalka loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan diyaaradaha.

Garoonka Aadan Cadde ayaa ka dhigan Caawa ka dib in uu yahay mid Caalami ah.