Xilliga baarlamaanka la horgeynaayo Wasiirada Magacaaban oo la shaaciyay

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka.

U jeedada kulanka ayaa ah cod u qaadista kalsooni siinta Golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hortagi doona Golaha Shacabka si uu u weydiisto codka kalsoonida iyo barnaamijka Xukuumaddiisa ayuu ka hor akhrin doonaa.

Wasiirada Magacaaban dalka ayaa maalmahaan waday kulamo kala duwan oo ay cod uga raadinaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.