Laamaha ammaanka oo gacanta ku dhigay nin waday Mooto qaraxyo siday

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa goordhow Qarxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu soo raray Mooto Bajaaj.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni, waxaa gacanta lagu dhigay ninkii qaraxa ku weday Mooto Bajaaj-ta oo dhaawac fudud uu soo gaaray.

mana jirto cid kale oo dhibaato ka soo gaartay qaraxaas.

Miinooyinka ay qarxiyeen ciidanka ayaa ka daatay mooto maanta ku qaraxday meel u dhow maqaayadda Fatxi.