Ciidmada xooga dalka Soomaliyeed ayaa Maanta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan kusoo bandhigay hubkii ay saraakiisha ciidamadu sheegeen in shalay deegaanka bukure loogu soo furtay dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab.
Xasan faarax oo kamid ahaa saraakiisha horkaceeysay howlgalka soona bandhigay hubka laga soofurtay Al-Shabaab ayaa sheegay inay siiwadayaan howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka saarayaan degaannada ay maamulaan.
Shalay waxaa deaanka Bukuro ee Gobolka Hiiraan ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya maleeshiyaad degaanka ah iyo Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo howlgallada hogaaminaya ayaa dhowr jeer ku cel celiya inay Al-Shabaab ka saari doonaan waddooyinka u dhaxeeya degmooyinka, Beledweyne, Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.