Madaxweyne Mustafe Cagjar” Al-Shabaab dowlad degaanka waxay u heysteen sida Soomaaliya oo kale”

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar oo ku sugan Aaga  degmada Feerfeer ee Xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida ayaa si kulul uga hadlay weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab & guusha ay ka gaareen.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Ururka Al-Shabaab ay yihiin kuwo siweyn ugu xoogan Soomaaliya, isla markaana dowlad degaanka ay u maleeynayeen in uu yahay sida Soomaaliya oo kale oo sideey doonaan ka yeelanayeen si ay dalal Shisheeye u soo farageliyaan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Al-Shabaab ay ku fashilmeen weeraradii ay kusoo qaadeen dhulka dowlad degaanka, isaga oo u mahad celiyay Ciidamada iyo Shacabka oo iska kaashaday dagaalkii lala galay Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar wuxuu sheegay in  wajiga 1aad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay soo geba-gabeeyeen haatana ay wadaan wajiga 2aad,  si ay uga hortagaan cadawgana ay samayn doonaan aag ka caaggan argagixisada.

Hadalka Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa kusoo aadaya xilli  todobaadkaan Xubno katirsan Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen degaano kamid ah dowlad degaanka Soomaalida, isla markaana dagaal xoogan uu dhexmaray Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab.