Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan is-xogwaraysi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa odayaasha dhaqanka ku boorriyey dardar gelinta kaalintooda ku aaddan nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo isu soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in duubabka dhaqanku ay udub-dhexaad u yihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska dalkeenna.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay qiraysaa doorka wanaagsan ee aad ku leedihiin dowlad-dhiska dalkeenna, nabadaynta iyo hoggaaminta bulshada. Waxaan mar walba soo dhoweynanaa talooyinkiinna wax-ku-oolka ah ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka. Waxaan idinka codsanaynaa in aad nagu garabsiisaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah dal nabad ah, xasilloon oo horumarsan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hortebinta u leh Dowladda ee ku saabsan horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-heshiisiinta, la dagaallanka argagixisada iyo wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay abaaraha saameeyey guud ahaan dalka.

Dhankooda, odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee degaannada Koonfur Galbeed oo Madaxweynaha ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda loo doortay, ayaa hoosta ka xarriiqay la shaqaynta dowladda iyo garab istaagga dadaalladiisa ku aaddan horumarinta dalka, iyaga oo tilmaamay in ay ku kalsoon yihiin odaynimada Madaxweynaha, waayo aragnimada iyo fulinta ballanqaadyadiisa hortebinta u leh horumarinta dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.