Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta 1-aad ee Bisha Ramadaan.
Wasaaradda arrimaha diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa warkaan goordhow shaacisay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in bisha ramadaan laga arkay meelo Soomaaliya ka mid ah oo ay ka mid tahay degmada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose.



