Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Masuuliyiin katirsan Golaha Amaanka Qaranka Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo maalintii Afaraad ku sugan dalka Maraykanka, gaar ahaan Washington D.C ayaa kulan la qaatay masuuliyiin sar-sare oo ka socota Golaha Amaanka Qaranka Maraykanka (National Security Council)

Kulankaa ayaa waxaa lagaga wada hadlay iskaashiga, nabadgelyada iyo dimuquraadiyada iyo horumarinta. sidoo kale madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa waxay kulamo kale la yeesheen hay’adda Caalamiga ah ee dimu-quraadiyada qaranka Maraykanka iuo Ms’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Somalland Muuse Biixi Cabdi ayaa u mahad celiyay mas’uuliyinta uu la kulmay, isaga oo ka codsaday inay Soomaaliland siiyaan taageero dhinac walba ah.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Somaliland wuxuu la kulmi doonaa mas’uuliyiin kale iyo Jaaliyadda Somaliland ee ku sugan Magaalada Washington D.C ee dalka Mareykanka.