Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 112 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kharkiv ee bariga Ukraine, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ukraine.
Sarkaalkan ayaa xusay in weerarrada gantaallada ee Ruushka ay ku dhaceen bartamaha magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, oo ay ku jiraan meelaha la deggan yahay iyo dhismaha maamulka gobolka Oleg Synegubov.
Ruushka ayaa uga baaqay dadka deggan caasimadda Ukraine ee Kyiv inay qaxaan, iyadoo sare uu u qaaday duqeymaha uu ka wado magaalooyinka Kharkiv iyo Zhytomyr.
Waxaase jirta in dadka ay la kulmayaan cadaadis xooggan oo dhinaca dhaqaalaha ah, iyadoo aan loo ogoleyn dadka inay dalkaas kala baxaan wax ka badan $10,000.
Waxaa jira in safaf dhaadheer uu hadda caan ka noqdeen in loo galo mashiinnada lacagta caddaanka ah laga qaadanayo, iyadoo dadku isku dayayaan inay la noqdaan hantidooda.
Dhanka kale In ka badan 450,000 oo qof ayaa Ukraine uga tallaabay dhinaca xadka Poland tan iyo markii uu bilowday weerarada Ruushka, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Pawel Szefernaker ayaa u sheegay Raadiyaha gaarka ah ee Zet.
Wuxuu tilmaamay in tirada dadka galay Poland ay wax yar hoos u dhaceen Talaadadii shalay oo ay gaartay 98,000 oo qof marka loo eego tirada ugu badan ee mar la helay oo noqotay in ka badan 100,000 Isniintii todobadkan.
Ciwaanada kale ee Ruushka laga qorayo waxaa kamida:
*Deyn-bixiyaha ugu weyn ee Ruushka Sberbank ayaa sheegay in uu ka baxayo suuqa Yurub kadib markii uu cadaadis kala kulmay cunaqabataynta reer galbeedka ee ka dhanka ah bangiga dawladda.
*Sidoo kale Shirkadda Alphabet Inc’s Google ayaa sheegtay in ay ka xannibtay dukaankeeda Play store-ka, & apps store-ka mobaylada ee ku xiran warbaahinta RT iyo Sputnik, taas oo qeyb ka ah xadidaada ay shirkadaha tignoolajiyada ku beegsanayaan agabka Ruushka maalmihii la soo dhaafay.
*Dhinaca kale shirkadda Twitter ayaa u hoggaansami doona cunaqabateynta Midowga Yurub ee saaran warbaahinta dowladda Ruushka ee RT iyo Sputnik marka amarka Midowga Yurub uu dhaqan galo.
*Ciwaanada la daabacay waxaa ku jira in Baanka dhexe ee Ruushka uu ganacsiga suuqa saamiyada ee Moscow hakiyay maalintii saddexaad oo isku xigta, laakiin waxa uu sheegay in uu oggolaan doono hawlo xaddidan markii ugu horreysay toddobaadkan.
* Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa sheegtay in iyada, madaxweyne ku xigeenka William Lai iyo Ra’iisul wasaare Su Tseng-chang mid walba uu ku deeqi doono mushaar hal bil ah si uu uga caawiyo dadaallada gargaarka bini’aadantinimo ee Ukraine.
Ugu dambeynna Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu Ruushka ku canaanto weerarka uu ku hayo Ukraine, wuxuuna ka dalbanayaa xukuumadda Moscow inay joojiso dagaalka ayna kala baxdo ciidamadeeda milateriga, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in si diblumaasiyadeed Ruushka looga go’doomiyo caalamka.



