Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay kooxo Weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaaday Saldhigyada Boliiska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Afayeenka Boliiska Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Booliiska Wadajir, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere, isla markaana gacanta lagu dhigay ragii weerarka soo qaaday Warbaahintana loo soo bandhigayo.
Afhayeenka ayaa sheegay in Boliisku qabtay 7 Ruux oo ku eedeysan inay soo weerareen Saldhigyada Boliiska.



