Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland Dr- Jamac Farax Xasan ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shir ku saabsan abaaraha, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Shirkaan waxaa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda Dr- Abdirisaaq Xirsi Xasan iyo agaasimayaasha caafimaadka guud iyo caafimaadka asaasiga ah, waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay inta badan wakiilo ka socday hay’addaha waasaaradda kala kala shaqeeya caafimaadka waxaana la iskaga xogwareystay xaaladadaha abaaraha ee guud ahaan saaameyey dhamaan Gobollada Puntland.
Waxaa wasaaradda iyo hay’adda FSNU ku soo bandhigeen labo warbixinood oo ka hadlaya xog ururin laga soo sameeyay meelaha ugu daran abaarahu ka jiraan iyo baahida ugu weyn ee hada jirta oo ah biyaha nadiif ah in la helo, xaaladaha degdeg ah ee ka jirta iyo in loo baahanyahay in dhakhso looga jawaabo.
Shirka waxaa lagu soo bandhigtay warbixinta xaalada caafimaadka iyo nafaqadarada wadanka ka jirta sidoo kale abaaraha ka jira wadanka gaar ahaan Puntland qorshaha wasaaradda ayaa ahaa sidii loola wadaagi lahaa baahiyaha caafimaadka ee wadanka ka jira, waxaa la dhisay guddi ka kooban hay’addaha iyo wasaaradda kaasoo ka wada shaqayn lahaa sidii baahiyaha caafimaadka iyo nafaqadarada ka jirta iyo sidii loo gaari lahaa reer Guuraara iyo meelaha abaaruhu ka jiraan, sidoo kale waxaa la sameeyay kooxaha wareega ee Mobile team yada ah kuwaasoo loo wareejin doono meelaha abaaruhu ka jiraan.



