Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxame Islaam, ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyey kulanka golaha Wasiirada.
Madaxweynaha ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey xaalada guud ee amniga, arimaha abaaraha oo guud ahaan si siman u sameeysay dhamaan dadka reer Jubaland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyada oo Jubaland ay wado gurmad baxaad leh oo lagaga gaarayo dadka ay dhibaatadu gaartay.
Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland, waxa ay warbixin guud ka bixisay xaaladda isbitaalada Kismaayo, Dhoobley iyo Ceelwaaq, shirweynaha caafimadka oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah wasaaraddu qabatay ayuu wasiirka uga warbixiyey golaha wasiiradda kaas oo qiimayn lagu samaynayay shaqada Wasaarada iyo adeega ay u hayso bulshada.
Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubaland ayaa golaha warbixin ka siisay abuurista wakaaladaha biyaha iyo korontada, waxaa ayna golaha wasiiradda u qaybisay sharciga lagu dhisayo wakaalada.
Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Jubaland ayaa ka war bixisay dhismaha Dowladdaha hoose ee Ceelwaaq iyo mashaariicda Degmada Afmadow.
Wasaaradda Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha Jubaland ayaa golaha warbixin ka siisay canshuur uruurinta iyo mashruuca cusub ee SOMCAS kaa oo u sahli doono canshuur bixiyaasha in qaab fudud ay ku bixiyaan lacagaha canshuurta ah.
Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland waxa ay soo gudbisay labo sharci oo kale ah.
B- Sharciga Shaqaalaha aan Dowladiga aheyn.
T- Sharciga Shaqaalaha ajaaniibta ah ama shisheeye.
Sharciyadan ayey goluhu soo eegi doonan iyadoo todobaadka xiga shirka golaha wasiiradda lagu ansixin doono.



