Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Millateriga iyo NISA ayaa howllgallo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo
Ciidamada oo ahaa Guutada 10aad Ururka 50aad ee qeybta 43aad ayaa sigaar ah howlgalka ugu fuliyeen degaannada, Doofaareey, Booco, Goora-dheer iyo degaanno kale halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha Giutada 10aad ee qeybta 43aad Gaashaanle Warfaa Sheekh Aadan Faroole oo faahiyay howlgalka ayaa sheegay in degaannada howlgalka ka sameeyeen ay ahaayeen kuwo mararka qaar lagu arki jiray Al-Shabaab, isla markaana ay Al-Shabaab, isaga baxeen markii ay ka warheleen in uu kusoo wajahan yahay howlgalka Ciidamada.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka Shacabka ah ee kunool tuulooyinka hoos yimaada degmada Garbahaareey, kuwaas oo uu sheegay in, iyaga oo Abaar daran heeyso ay lacago ka qaadayaan
Ugu dambeyn Taliyaha Giutada 10aad ee qeybta 43aad Gaashaanle Warfaa Sheekh Aadan Faroole wuxuu sheegay in Ciidamada ay sameyn doonaan howlgallo joogto ah si degaannadaas looga saaro Al-Shabaab.
Howlgalkaan Ciidamada dowladda Soomaaloya ay ka sameeyeen Gobolka Gedo ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in dhawaan degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ay ka dhacdo doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.



